Maxaad ka ogtahay qaraxii gilgilay magaalaada muqdisho 14 october .

14 October 2017 Magaalada Muqdisho waxay u ahayd maalin Madow oo ay dunida sagootiyeen shacab kor udhaafaya Boqolaal qof oo geeriyooday iyo kuwo kale oo dhaawacmay.
Ururka Al-Shabaab oo muddo sanado ah ka dagaalamaya gudaha soomaaliya ayaa qarax xoogan ka fuliyey Isgoyska dadka badan kulmiya ee Soobe .

Qaraxan xoogan ayaa noqday ki ugu dhimashada badnaa taariikhda soomaaliya ee laga diiwaangeliyo goobaha qaraxyada ay ka geysteen Ururka Al-shabaab .

Qaraxan oo dhacay 14 October 2017kii ayaa waxa ku dhintay dad gaadhaya 600 oo qof halka ay ku dhinteen dad kor udhaafaya 1000 kun qof oo ubadnaa dad shacab ah .

Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey Qaraxaasi dhibaatada badan geystay waxaa laga sameeya xus loo asteeyey maalintan iyadoo maanta la xusayo sanad guuradii 6aad ee kasoo wareegtay Sanadkii uu dhibka xoogani dhacay ee 2017.