“Dalku wuxuu yeelanayaa Madaxweyne & kuxigeen iyo Laba Xisbi” Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Somaliya yeelan doonto nidaamka dawladnimo ee Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeenka iyo hannaanka Xisbiyada oo ka koobnaan doona laba Xisbi.
Madaxweyne Xasan Sheekh khudbad uu jeediyey jimcnihii maanta, ayaa ku sababeeyey qaadashada hannaanka mid yaraynaya kala qaybsanaanta dadka iyo in hore loo socdo.