Dowladda Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka hadashay arrinta Abwaan Nageeye Cali Khaliif .

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, MudaneAxmed Macallin Fiqi oo hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kiiska Abwaan Nageeye, wuxuuna sheegay inay la yaab ku noqotay inuu ninkaas ku biiray Al-Shabaab.

“Shalay ayay ahayd nin halkan nala joogay oo Abwaan noo sheegtay oo waddani noo sheegtay ayaa hal mar waxaa la yiri waa tegay gabayadiisii marka dib loo fiiriyay aniga maba dhageysan jirinee, waaba la yaabay sida uu ninkaan dadka u dhex joogay” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Ma dadkaa wax dhageysan mise isagii ayaa haddda wixii soo daayay oo horaa looga duubay.”