Dagaalada Israa’iil iyo xamaas oo wali socda.

Israa’iil ayaa sheegaysa in illaa 8 goobood ay kula dagaallamayaan Xamaas kaddib weerarkii shalay lagu qaaday gudaha Israa’iil.

Afhayeenka milatariga Israa’iil Korneyl Richard Hecht ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen 22 goobood oo ay horey u qabsadeen dagaalyahannada Xamaas, laakiin ay wali kula dagaalamayaan illaa 8 goobood.

Maamulayaasha Israa’iil ayaa si tartiib tartiib ah uga saaraya dadka dagan Marinka Qasa iyo dhulka ku teedsan. Hecht kama jawaabin su’aallaha ku saabsanaa tirada dadka la daad gureeyay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Israa’iil ay diyaar u tahay inay ka jawaab celiso weerarka Lubnaan, laakiin ma sheegin wax qorshe ah oo weerar dhinaca dhulka ah.

Israa’iil “wali waxay ku jirtaa dagaal…. Wali waxay waddaa dadaal ay si buuxda uga soo ceshanayso dhulkeeda iyo bulshadeeda ururka Xamaas” ayuu yiri Afhayeenka milatariga Israa’iil.