Xafiiska Somaliland ee Sweden oo ka hadlay arrinta Waridaad TV.

Safiirka somaliland ufadhiya dalka sweden oo si gaar ah ula hadlay Telefishanka MMSOMALI TV ayaa sheegay in ka saafarad ahaan ay ka hawl gali doonaan sidii uu sharcigiisa usii haysan lahaaa muwaadin udashay dalka somaliland oo dawlada sweden ay kala laabatay sharcigii uu ku joogey dalkaasi.

Maxamed saalax Askar oo kasoo jeeda deegaan ahaaan Gobolka Togdheer isla markaana Baraha bulshada ku leh Page-ka magiciisu yahay Waridaad tv ayaa ah muwaadinka ay dawlada sweden kala noqotay sharcigeeda iyadoo uu ballan qaad ka helay somaliland si looga hawl galo in aan sharcigiisa lagala laaban isla markaana aan laga soo tarxiilin wadankaasi.