Dhowr iyo toban gantaal ayaa laga soo tuuray marinka Qaza iyagoo lagu gannay Israa’iil subaxnimadii Sabtida maanta ah .
Siidhiga duullaanka cirka ayaa ka dhacay koonfurta Israa’iil waxaana laga maqlay aagga weyn ee Tel Aviv, oo tobanaan kiiloomitir waqooyi ka xiga.
Xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in madaxda ammaanka lagu wado inay kulmaan si looga wada hadlo xaaladan cusub ee soo korodhay .
Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda gantaaladan lagu garaacey israa’iil.