Dawlada Soomaaliya oo soo saartay Tirada xubnaha ay ku dishay Dagaaladii ay la gashey Al-shabaab .

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ah Al-shabaab ee labadii bilood ee lasoo dhaafay ka dhacay maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle lagu dilay 1,650 Al-shabaab ah.

In tiradaan laga dilay Al-Shabaab labadii bilood ee lasoo dhaafay waxaa baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya oo joogto u tebisa wararka la xiriira jabka soo gaara Al-Shabaab.

“Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta oo labadii bilood ee u dambeysay si qorsheysan oo aan hakad lahayn uga socday dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle waxa uu saameyn xoog leh ku yeeshay argagixisadii ku dhuumaaleysan jirtay deegaannadaas.” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda oo intaas ku daray

“Dagaallo toos ah iyo duqeymo dhinaca cirka ah oo Khawaarijta jab xoog leh gaarsiiyay ayay dowladdu sameysay labadii bilood lasoo dhaafay.”

Tirada sheegashada dowladda ee khasaaraha gaaray Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay dhaawacyadii gaaray dagaalyahanada kooxda 2-dii bilood ee lasoo dhaafay, taas oo lagu sheegay 550 xubnood.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale shaacisay magacyada horjeegeyaal ka tiranaa Al-shabaab oo lagu dilay howlgalladii ka dhacay gobollada dalka, sidoo kale waxay dowladu soo bandhigtay magacyada xubno madax ah oo Shabaab ka dhaawacmay iyo kuwo weli baxsad ah.