600 oo kun oo qof oo ku dhintay dagaalladii ka dhacay gobolka Tigray

600 oo kun oo qof oo ku dhintay dagaalladii ka dhacay gobolka Tigray-ga ee Itoobiya .

Itoobiya ayaa ka soo kabanaysa mid ka mid ah dagaaladdii sokeeye ee ugu khasaaraha badnaa adduunka wakhtigan casriga ah.

In ka badan 600 oo kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalladaas oo muddo laba sanno ah socday, waxaana Sidoo kale ka soo gaadhay dagaalkaas Itoobiya khasaare dhaqaale oo gaadhaya 28 Bilyan oo dollarka Mareykanka ah.