Wasaaradda difaaca Ukraine oo ansixisay labiska askarta dumarka ah


Afartan iyo laba kun oo haween ah ayaa ka tirsan Ciidamada milatariga Ukraine, iyadoo wasaaradda difaaca ee Ukraine ay dhawaan si rasmi ah u ansixisay labiska dumarka ciidanka ku jira.