Khilaaf salka ku haya dhinaca dhulka oo u dhexeeya Maamuullada Soomaalida iyo Oromada ee Itoobiya ayaa keenay in dagaallo ka dhex qarxaan Ciidamada Labadan Maamul, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh iyo barakac.
Dagaallo culus ayaa maalmihii u dambeeyey ka socday deegaanno u dhexeeya dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo kuwa Oromada, ayaa ah mid salka ku haya dhinaca dhulka oo labada dhinac isku hayaan, iyada oo Maamulka Oromadu ku soo fidayo dhinaca deegammo ka tirsan Dawlad Deegaanka Somalida.
Ciidamada Liyuu Booliska Deegaanka Oromada ayaa weerar kusoo qaadday kaantaroolkii dhowaan laga raray buurta Kaaramardha ee la geeyey degmada Baabili, gaar ahaan deegaanka Qolloji oo ah duleedka xerada barakacayaasha ee Qolloji, halkaas oo Dawlad Degaanku doonayso in ay ku cashuraan qaadka, balse oromadu ay si weyn u diidan tahay, isla markaana ay ku doodayso in Soomaalid doonayso in ay xoog kula wareegaan dhul ku wanaagsan beeraha ee ku yaala degmada Baabile.
Sida lagu baahiyey Wargeyska The Reporter Dawladda Deegaanka Oromada ayaa ku eedaysay Deegaanka Soomaalida in ay weerar kusoo qaadeen oo ay kasoo gudbeen xuduudkood. Oromiya waxay sheegtay in halka loo raray Kantaroolka laga qaaday buurta Kaaraamardha ay iyagu leeyihiin.
Oramadu oo fadhiisimo cusub ka samaysay duleedka Xerada Bakarakaayaasha Qoloji ayaa sheegaya in qaxoontigaas dawlad Deegaanka Soomaalid ku doonayso inay xoog ku soo galaan magaalada Baabili halkaasna la dejiyo, taas oo ay sheegeen in aanay marnaba aqbalay.
Dawlad Deegaanka Soomaalida, ayaa weli ka hadal dagaalkan iyo xiisadda colaadeed eek a dhex aloosan iyaga iyo Oromada, balse waxa arrintan ka hadlay oo si adag u cambaareeyey ONLF .
War-saxaafadeed wuu soo saaray Rayaale Xaamud ayaa waxa lagu sheegay in Oromadu ay weerar xad-gudub badheedh ah kusoo qaadday DDS oo ay ku laysay shacab maato ah oo ku noolaa xerada barakacayaasha ee Qolloji.
“Ciidamada ammaanka ee Oromiya waxay subaxnimadii hore ee Isniintii weerar kusoo qaadeen qaybo ka mid ah degmada baabili ee Deegaanka Soomaalida, iyaga kasoo gudbay xuduudka u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexnaa Rayaale Xaamud.
War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay dawladda federaalka Itoobiya inay soo farogeliso arrinta oo ay joojiso duullaanka iyo gardarrada Oromiya ay ku hayso Soomaalida, isla markaana sugto amniga barakacayaasha Qolloji.
Liyupoliceka Oromiya ama maleeshiyadka maamulka Oromiya sida ay maatida birimagayda ah ee qoloji xabada ula dhaceen waa dhacdo yaab kunoqotay cidkastoo cidkasta waana dhacdo ay tahay inaan jawaab ka helno sida gardara ah ee shacabkaas iyo caruurtaas xabada loola dhacay.
Waxay sameeyeen dhacdo yaab leh iyagoo leh keelaga qolaji lakeenay dib haloo celiyo ayay ayay buurta ka koray barakaca qoloji intay qori lasoo fadhiisteen si aan gabasho lahayn xabad ulasoo dhacay waxaase baabili agteeda geeyay oo kajabay ciidanka deegankeena.
Waxaase yaab ah deegankagii dhexdiisa meelaha aad cabshuurta kaqadayso iyo meelahaad keelaga kadhigaynayso waa inaan kuu jaangoynaa taasina madhacayso mana yeelayno qafalxumada iyo garadara ay samaynayaan maamulka Oromiya.
Dhib madhexyaalo labada shacab waana lays dhexsocdaa waxaase gardaran wada maamula oromiya waana inaynu ka jawaabnaa cidkastana latuso sida foosha xun ee ay usocdaan.
Jawaab bay rabaan shacabkani::