Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo kulan la yeeshay Madaxda safaarada Mareykanka.

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan Xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Xuseeen iyo Af-hayeenka xisbiga Maxamed Bilaal, ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay, wafti uu Hogaaminayo sii-hayaha Safaarada Maraykanka Mudane Shane Dixon iyo Xoghayaha koobaad ee Safaarada Maraykanka u Qaabilsan Siyaaasada iyo Dhaqaalaha Md.Geoffrey Parker.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, Doorashooyinka iyo xidhiidhka labada Dal