Azerbaijan ayaa sheegtay in tallaabooyinkeeda militari ee Nagorno-Karabakh ay sii socdaan maalintii labaad ka dib markii ay bilaabeen wax ay ku tilmaantay hawlgallada “la-dagaalanka argagixisada” ee aagga Talaadadii
Waxa ay sheegtay in aysan joogsan doonin ilaa ay isa soo dhiibaan gooni-u-goosadka qoomiyadaha-Armeniya. Xiisadaha Koonfurta Caucasus ayaa socday muddo bilo ah agagaarka deegaanka go’ay, oo caalami ahaan loo aqoonsaday qayb ka mid ah Azerbaijan.
Asarbayjaan iyo Armenia ayaa dagaal dhexmarey ugu dambeesay saddex sano ka hor. Bayaan ay soo saartay subaxnimadii Arbacada, wasaaradda difaaca ee Asarbayjaan ayaa lagu sheegay in qalabkii milatari ee ay lahaayeen ciidamada qalabka sida ee Armenia “laga takhalusay” oo ay ku jiraan baabuurta dagaalka, madaafiicda iyo qalabka lidka diyaaradaha.
Talaadadii, Baku wuxuu amar ku bixiyay “samaynta militariga Armenia ee sharci darrada ah” inay soo wareejiyaan hubka ayna kala diraan “maamulkooda sharci darada ah”.
Asarbayjaan iyo Armenia ayaa markii ugu horeysay dagaal galay horraantii sagaashamaadkii ka dib burburkii Midowgii Soofiyeeti. Kadib 2020 Azerbaijan waxay dib u qabsatay aagagga Nagorno-Karabakh iyo nawaaxigeeda ka hor inta aan xabbad joojin la isku afgaran oo ay kormeerayaan nabad-ilaalinta Ruushka. Qowmiyadda Armenian ee Karabakh ayaa salaasadii ka codsaday xabbad joojin iyo in wadahadallo la bilaabo.
Laakin waxa caddaatay in Asarbayjaani uu ujeedkiisu ahaa in uu dhamaystiro qabsashadiisa dhulka buuraleyda ah.
Ra’iisul wasaaraha Armenia Nikol Pashinyan ayaa Asarbayjan ku eedeeyay in ay bilowday howlgal dhulka ah oo looga dan leeyahay in lagu sifeeyo qowmiyadaha. Balse boqolaal ka mid ah dibadbaxayaasha Armenian oo ka xumaaday jawaabta dalkooda ayaa waxay isku dhaceen booliska bannaanka baarlamaanka Yerevan, iyagoo cambaareeyay hoggaamiyahooda oo ay ku sheegeen inuu yahay khaa’inul waddan, uguna baaqay inuu iscasilo. Azerbaijan ayaa sheegtay in wadahadal uu ka bilaaban karo magaalada Yevlakh, oo qiyaastii 100km (60km) waqooyi ka xigta caasimadda gobolka Karabakh ee Khankendi, oo lagu magacaabo Stepanakert oo ay leeyihiin qowmiyadda Armenian.