Asarbayjaan ayaa sheegtay in ay ka bilowday gobolka Nagorno-Karabakh “hawlgallo ka dhan ah argagixisada” waxayna dalbatay “in gabi ahaanba laga saaro” ciidamada qowmiyadda Armenia oo shuruud u ah nabadda dhulka lagu muransan yahay. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Armenia ayaa ku boorisay ciidamada nabad ilaalinta Ruushka ee halkaas jooga inay soo farageliyaan oo ay joojiyaan “gardarrada baaxadda leh” ee Azerbaijan ee ka dhanka ah dadka maxalliga ah.