Dad badan ayaa ku dhintay “dab aad u weyn” oo ka kacay guri dabaq ah oo ku yaalla caasimadda Vietnam ee Hanoi, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, iyadoo ay socdaan howlgallo lagu samata bixinayo kuwa badbaaday.
Dabka ayaa kacay wakhti saq dhaxe ah balse waxaa la xakameeyay 2-dii subaxnimo (19:00 GMT), sida ay sheegtay wakaaladda wararka Vietnam ee VNA. Waxa ay sheegtay in tobanaan qof ay ku dhinteen dabka qabsaday dhismahan oo ka kooban sagaal dabaq, kaasoo ay ku noolaayeen 150 qof.
Ilaa 70 qof ayaa laga soo badbaadiyay xannibaadda, iyadoo 54 ka mid ah loola cararay isbitaalka, sida ay sheegtaywakaaladu.
Maamulka wadankaasi ayaan weli xaqiijin tirada dhimashada e dabkan bale waxa socota samatabixinta dadka kale ee ka badbaadey khatarahan dabka ka dhashay .
Shabakadda VN Express International ayaa sheegtay in isbitaallada ay xaqiijiyeen ugu yaraan 11 dhimasho ah.