Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Kevin McCarthy ayaa shalay shaaciyay, in aqalku uu billaabayo baaritaan xilka lagaga xayuubinayo madaxweyne Joe Biden.
Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya, in tallaabadani ay u muuqato mid cadaadiska siyaasadeed lagaga yareynayo madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, islamarkaana ra’yul-caamka shacabka u jiheynaya dhanka Aqalka Cad, xilli ay soo dhaw-dahay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadka soo socda.