Roobab Khasaare geystay oo ka da’ay Dalka Liibiya .

Ugu yaraan 2,000 oo qof ayaa ku dhintay, kumannaan qof ayaa la la’yahay markii daadad ‘masiibo ah’ ay ku dhufteen Liibiya.

Ku dhawaad ​​2,000 oo qof ayaa ku dhintay kumanaan kalena waa la la’yahay ka dib markii laga cabsi qabaa inay ku dhinteen bariga Liibiya ka dib markii daadad xooggan oo ka dhashay duufaanta Daniel ay qaadeen dhammaan xaafado iyo guryo burburay oo ku yaal magaalooyin badan oo xeebta ku yaal.

Roobab aad u badan oo ka da’ay waqooyi-bari dalka Liibiya ayaa keentay in laba Biyo xidheen ay dumeen taas oo keentay in biyo ay galaan meelo hore u qarqiyay roobabku.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda isku magacaabay ee fadhigeedu yahay bariga Liibiya, Osama Hamad. Wuxuu intaas ku daray Isniintii in kumannaan qof la la’yahay, balse ma uusan sheegin halka ay tiradiisu ka timid.

Axmed al-Mosmari oo ah afhayeenka ciidamada xoogga dalka ee fadhigoodu yahay bariga ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in tirada dhimashada ee Derna ay kor u dhaaftay 2,000 oo qof. Waxa uu sheegay in inta u dhaxaysa 5,000 ilaa 6,000 oo qof la la’yahay. Al-Mosmari ayaa musiibadan ku macneeyay in ay sabab u tahay burburka ku yimid labo biyo xireen oo ka ag dhawaa oo sababay daadad halis ah.

Fiidiyowyo lagu soo bandhigay khadka internetka oo ay duubeen dadka degganka ayaa muujinaya burbur laxaad leh qulqulka biyaha xooga ku soocoanaya ayaa keenay burbur laxaadleh

Muuqaal laga soo duubay bariga Liibiya ayaa muujinayay dad ku xayiran saqafka sare ee baabuurtooda, iyadoo duufaantu ay ku dhufatay magaalooyinka Benghazi, Susa, Bayda, al-Marj iyo Derna

Qaramada Midoobay -ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto duufaanta ayna “fidin doonto gargaar degdeg ah oo lagu taageerayo dadaallada jawaab celinta ee heerarka maxalliga ah iyo kuwa qaranka”.