Madaxweynaha Somaliland oo xil ka qaadis iyo magacaabis sameeyey.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa Wasiirka Ciyaaraha u magcaabay Cabdirahmaan Xirsi Dhooble, isagoo xilkaasi ka qaaday Cabdirashiid Ducaale Qambi.

Sidoo kale Madaxweyne Biixi ayaa xilalkii ay hayeen ka badalay saddex wasiir ku xigeen oo kala ah

1-Maxamuud Warsame jaamac, oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka Beeraha Somaliland.

2-Cabdinajiib Ibraahim Muumin, oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud.

3-Marwo Yurub Abiib, oo loo magcaabay wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

warkan waxaa MM-TV u xaqiijiyay mid ka mid ah wasiir ku xigeenada la magcaabay oo ay gaadhay wareegtada madaxwaynuhu ku magcaabay.