Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa la soo werinayaa in uu ku sii jeedo magaalada dekadda ah ee Vladivostok ee dalka Ruushka xilli uu ku safrayo tareen ah nooca aan xabbadu karin, si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin.
Marka la eego sidii ahaan jirtey dhaqanka soo jireenka ah ee hoggaamiyayaasha Waqooyiga Kuuriya, Mr Kim waxay u badan tahay in ay ku qaadan doonto in ka badan 20 saacadood inuu ku safro 1,180km (733 mayl) ee tareenkaas aayarka soconaya ah – oo la sheegay inay ugu dhex taallo makhaayad lagu iibiyo khamriga Faransiiska iyo cuntooyin diyaarsan oo uu ka mid yahay kalluunka loo yaqaan lobster ama aargoosatada.
Tareenku wuxuu ku socdaa qiyaastii xawaare gaadhaya 50km/h (31mph) sababtoo ah ilaalintiisa gaashaaman ee culus.
Marka la barbardhigo, tareenka xawaaraha sare ee London wuxuu ku socon karaa dhulkaas qiyaastii 200km/h halka tareenada Shinkansen ee Japan ay gaadhi karaan 320 km/h
Safarkan dheer waxa kale oo uu u gogol xaadhaya waddada isku xidhka tareenada ee waqooyiga oo lagu magacaabo Taeyangho, oo ah erey Kuuriyaaan oo la macno ah qorraxda iyo tilmaan calaamad u ah aasaasihii Kuuriyada Waqooyi Kim Il Sung.