Maxaad ka ogtahay gabadha dhalatay Wakhtigii Dhul-Gariirku ku dhuftay Dalka Moroco ?

Ilmaha ay dhashay Khadiijo weli magac ma leh, laakiin gurigeedii ugu horreeyay waa teendho waddada dhinaceeda ku taal.

Waxa ay dhalatay daqiiqado yar ka hor dhulgariirkii ku dhuftay Moroko habeenimadii Jimcaha.

In kasta oo hooyada iyo gabadheeduba bed qabaan, haddana cusbitaalka Marrakesh oo ay ku jireen waa laga saaray. Baaritaan degdeg ah ka dib, waxaa laga codsaday inay baxaan saddex saacadood ka dib dhalmada.

“Waxay noo sheegeen inaan ku qasbanahay inaan baxno cabsi laga qabo dhulgariir dambe awgii,” ayay tiri khadiijo.

Iyaga oo umul cusub ah, Khadiija iyo ninkeeda waxay isku dayeen inay taksi u raacaan subaxnimadii hore ee Sabtida gurigooda oo ku yaal magaalada Taddart ee buuraha Atlas, oo qiyaastii 65km u jirta Marrakesh.

Laakin markii ay halkaasi ku sii socdeen ayaa waxa ay ogaadeen in wadooyinku ay go’een dhul go’ay uu dhul gariirku keenay awgii, waxa ayna dhaafi waayeen tuulada Asni.