Milateriga Gabon oo war Cusub Soo saarey

Hogaamiyayaasha militariga Gabon ayaa ku dhawaaqay inay soo afjareen xabsiga guriga madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cali Bongo, iyagoo sheegay inuu hadda xor yahay.

War-murtiyeed laga akhriyay TV-ga dawladda laga baahiyay ayaa afhayeenka milatariga Col Ulrich Manfoumbi wuxuu ku sheegay in go’aanka lagu sii daayay Mr Bongo ay sabab u tahay “xaaladdiisa caafimaad”.

“Waxa laga yaabaa, haddii uu doono, inuu u dhoofo dibadda si uu baaritaan caafimaad u sameeyo,” ayuu raaciyay.Kadib afgambi militari oo dhacay 30-kii Agoosto, waxay xabsi guri geliyeen madaxweynihii hore waxayna ku dhawaaqeen inay gacanta ku hayaan dalka qaniga ku ah shidaalka.

Go’aanka lagu sii daayay ayaa ka dambeeyay cadaadis uga yimid ururka Midowga Afrika ee Eccas iyo dalalka deriska la ah Gabon.Sanadkii 2018, Mr Bongo waxaa ku dhacay xanuunka faaaligga.

Caafimaadkiisu waxa uu ahaa arrinta ugu weyn ee ay dad badan walaac ka muujiyeen xilligii la isku diyaarinayay doorashadii dhawaan dhacday.