Maxay ahayd Taladii ay Xisbiga Waddani u Gudbiyeen Madaxweynaha Dagaalka Laascaanood Ka Hor?

RAAD AROORYO DIB LOOMA RAACO.
Erey-sami wuxuu gooyo,
Alloow yaan ku jarin soodhka,
Garashada ka dhiga seefo.” (Hadraawi)
Waxa aan qormadan kaga xog-warrami doonaa; maxaynu ummad ahaan ka baran karnaa, sooyaalka colaaddii degmada (Geeska Africa) gaar ahaanna 63-kii sanno ee ugu dambeeyay. Laascaanood wixii ka dhacay iyo sidii xukuumaddu uga fal-celisay. Talo-bixintii aanu madaxweynaha la wadaagnay, mar uu wax naga weydiiyay xisbi ahaan bilawgii kacdoonka Laascaanood. Ugu dambayna siduu xalku iigu muuqdaa qof ahaan.

Aadamuhu in uu wajaho dhibaatooyin waxa ay ka mid tahay sunnaha Rabbaaniga ah ee kawnka, taasina waa sababta cilmiga maamulka khataraha iyo maarayntooda hoggaaminta kala duwan loogu barto; iyada oo lagu kala aragti duwanaan karo tubta loo marayo xal u helistooda. Hasa yeeshee hoggaaminta labadeeda nooc (tan hibada ah iyo ta la barto ba) waa la isku waafaqsan yahay ahmiyadda xal u helista mushkiladda, asalka dabciga bini-aadmiguna waa sama-doon iyo wanaag-raadis oo dhibaatada ma jecla.

Tan iyo maalintii aan garaadsaday waxa aan arkayay ama maqlayay dagaal, waxa aanay facayga iyo facii ka horreeyay ba u ahayd maalin qax, maalin dagaal iyo xilli cawaaqibkaas (cawaaqibka) dagaalka (iyo) saamayntiisa ay la noolaadaan. Ummaddana hoggaan beentiisa rumaystay ayaa kolba jar ka tuurayay. Waxaana hagaagsan in aan hoggaanku been iyo muhmal ku guurine uu run uu ummadda u sahamiyay ku raro, beentaada lama rumaysto ee riyadaada (ayaa la) xaqiijiyaa. Sooyaalka taariikheed ee geyiga Soomaalida marka la derso na waxa aan lagu kala baydhin in masiibada ugu weyn ee ragaadisay DAGAAL tahay. Haddana waxba laga ma baran dagaalladaasi oo iskugu jiray: Dagaallo diimeed, Dagaallo qabiil, Dagaallo waddaniyadeed, Dagaallo siyaasadeed Iyo dagaallo sokeeye. Haddii aan dagaalladii ugu dambeeyay soo qaadanno, gaar ahaanna kuwii dhacay gumaystaha dabadii oo aan ka xusi karno:
• Dagaalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee 1964 iyo 1977.
• Dagaalladii kacdoonadii jabhadaha ee 1978 ilaa 1991.
• Dagaalladii Jabhadda OLNF iyo Itoobiya ee 1984 illaa 2019.
• Dagaalladii sokeeye 1991 illaa 1994, ee deegaannada kala duwan ee Somaliland iyo Soomaaliya ba ka dhacay.
• Dagaalka Al-shabaab iyo Soomaaliya ka dhexeeya ama dhacayay 2006 illaa 2009 oo qolo ba magic ula baxday.
• Dagaalladii sokeeye ee 1998 illaa 2023 Laascaanood iyo Buuhoodle iyo meelo kale oo Soomaaliya iyo Somaliland ah ka dhacayay.
Isku soo wada xooriyoo, ma jirto ama way yar tahay midho iyo madhax laga dheefay dagaalladdaa, marka laga reebo in keligii taliskii Maxamed Siyaad Barre ay rideen jabhadu 1991. Hasa yeeshee, Somaliland oo tirsata in ay kaalinta ugu weyn ku lahayd ridistii nidaamkaasuna aanay weli gaadhin himiladoodii ahayd helista qaran madax-bannaan oo dunidu aqoonsan tahay. Geesta kale, khubarada culuumta dagaalku, marka ay is-barbar-dhigayaan dhib iyo dheef waxa laga helo dagaalka waxa ay faa’iidooyinkiisa (faa’iidooyinkiisu) iskugu jiraan kuwa: taariikheed, dhaqaale, siyaasadeed iyo diimeed. Dhinaca khasaarahana waxa dagaallada ku burbura nidaam, nolol, nabad, naf iyo maal. Sida oo kale, khasaaraha dagaalka waxa iska (iyana ka) mid ah; dhaawacyo maskaxeed oo ummadda saamayn gurracan ku reeba oo waxyeello weynna u geysta habsami u fekerkooda. Waxaana intaas dheer in dagaalladu waxyeello aan si fudud looga soo waacsan (waaqsan) karayn u geystaan DEEGAANKA.

Haddaba dagaalkaas Laascaanood dhammaan noocyada khasaaraha ee aynu kor ku soo xusnay waa laga dhaxlay, balse waxyaalihii xukumadda Somaliland dadka u sheegtay, oo ahaa in ay argagisixo iyo Puntland oo is-huwan la dagaalamayso, xuduudaheedana soo xidhayso, taasi waxay noqotay hal bacaad lagu lisay, waxaana taladii Sool la wareegay maamul deegaanku samaystay.

Waxa muuqata in taladii qaran (ee) qasriga Madaxtooyada sadexda xisbi isla qaateen 11/02/2023 “in arrinta Laascaanood si nabad ah lagu dhameeyo oo laga fogaado wixii colaadda sii hurinaya” ay fuli wayday waxaana ka dhashay, in ay Somaliland ka soo horjeestaan dhammaan ciidamadii ka soo jeeday deegaanka Sool waxyar mooyaane, sida oo kale waxa iyaguna faraha Somaliland ka baxay kana soo horjeedsaday, maamuladii gobolka/ degmooyinka, guddoomiyayashii ururrada ama madaxdii xisbiyada, guddoomiyihii baarlamaanka iyo ugu dambayn shirkii madaxda dhaqanku qabteen oo laga soo saaray go’aan Somaliland lid ku ah. Markii labaadna dagaal sideed bilood soconayay (ayaa ka qarxay) ka qarxo, halkaas oo khasaare laxaad leh oo kumannaan qof saameeyay ka dhashay, kaasi oo labada dhinac ba wax ka soo gaadheen (Dadkii Somaliland ee reer Sool iyo Dawladdii Somaliland) magaaladiina Laascaanood na badankeedii duntay. Ugu dambaynna ciidankii Somaliland ee geyiga Soomaalida ugu xoogga badnaa jab weyn oo taariikhi ahi ka soo gaadhay, jabkaas oo xataa illaa hadda aan sabab cad iyo warbixin sugan laga hayn. Waxaanan taariikhda ka barannay in dagaal kasta oo aan ujeeddo iyo hadaf cad laga lahayni waxa uu ku dhammaataa (uu ku dhamaado) mugdi, waana halka Soomaalidii hore ka odhan jirtay; “dagaalka ninka qosol la galaana qamuunyo ayuu kala baxaa, ninka qamuunyo la galaana qosol ayuu kala baxaa.”

Haddaba natiijadan xun ee dagaallada ka dhalata marka laga yimaaddo, waxaa iyana is-weydiin mudan innaga oo og in dagaalka dagaalka muslimiinta dhexdooda shareecadu diidday, waxaas oo dhib ahina ka dhalanayso maxaa saldhig u ah baa la odhan karaa curashadooda? Fekerkayga waxa ay iigu muuqataa in ay bud-dhig u yihiin; Jahliga, fahamka khaldan ee diineed (diinta) ee midba midka kale doonayo in uu ku jano tago, kibirka, dulmiga, caddaalad-darrada iyo qiimaha nolosha oo hooseeya.

Dagaalka Hortii Waxaan Madaxweynaha u Gudbinnay Talo-bixin.
Kacdoonkii kaddib intaan dagaalku bilaabmin ayuu madaxweynuhu talo naga weydiiyay arrinta Laascaanood.Waxa aanan dedaalkii arrintaasi xalka luugu raadinayay ka bilawnay in aan ka codsanno Guddoomiyihii Baarlamaanka (Cabdiraaq Khaliif) in uu degdeg u yimaaddo oo xukuumadda kala hawl-galo mashaqada dhacday, sida oo kale taladii aannu bixinnay oo qoran ayaanu u diray madaxweynaha, waxaanay ahayd sidan: –

Xalka Laascaanood 20-Jan-2023: Lama dhayalsan karo buuqa siyaasadeed, kacdoonka Laascaanood ka socdo iyo kacdoonadii kala danbeeyay ee mararka kala duwan iyo meelaha kala duwan ka dhacay, waxaana xaqiiqo ah in ay salka ku hayaan; Qanac-la’aan siyaaseed,tabasho gaamurtay iyo Somaliland-diid, qas-wadayaal ama qaar leh ujeedooyin argagixispo iwm. Dareenka taban ee siyaasadeed ma aha wax maanta Dhulbaahante la soo baxay ee waxay soo taxnayd ilaa maalintii Somaliland lagu dhawaaqay balse maalinba nooc buu ahaa, waxaanad halka ka dhegaysan kartaa sidii ay uga falceliyeen 18 May 1991.(https://www.bbc.co.uk/sounds/play/p034s4g8)

Waxaa taas la mid ah aragtiyaha soo jireenka ah ee ay ka bixiyeen dad badan oo uu ka mid ahaa Abwaan Gaariye AHN oo isaga oo hagaanka ku canaananaya ku maansooday sidan soo socota: “Dharaar baa iman doonta- dadka Sool iyo Awdal ee- Aadanow hagrateen -raacdadoodu adkaato lagu raadsho ileys”. Hadaba, iyada oo laga duulayo tilmaamaha aynu soo sheegnay waxay ila tahay in la magacaabo Guddi Qaran (oo) leh qaababka soo socda, sidoo kale waxaa muhiim ah odorosyada xalka mustaqbalka ee hoos ku xusan, kuwaas oo iftiiminaya, Xalka degdega ah (quick fixes solution), Xalka ku meelgaadh ah (temporary solution) iyo Xalka waara (permanent solution).

Guddi Qaran (Qaabka iyo Tirada Guddiga Qaran)

Odoraska 1aad: Odoraska Xalka degdegga ah (quick fixes solution)
• C/R. Khalif oo la hawl-geliyo loona fududeeyo wax kasta oo ka caawinaya nabadaynta, dejinta xaaladda, iyo sidii wada-hadal kaar-jebin ah loola furi lahaa Guddiga Dhulbahante magacawday.
• Garaadka oo la hawlgeliyo, Madaxweyne Muusena Loo keeno si kalsoonida labada dhinac kor loogu qaado.
• Labada Taliye ee Mahad Cambaashe iyo Ina Ducaale Dheeg oo la is-waafajiyo, ciidamadoodana si tartiib ah magaalada loo soo geliyo(labada xaafadood).
• In wax kasta oo isku-dhac shacab, dhimasho iyo dhaawac keeni kara laga dheeraado.
• In la abuuro koox deegaanka Laascaanood ah oo isugu jira aqoonyahka, waxgarad iyo siyaasiyiin oo loo xulay wacyigelin toolmoon oo ku qotonta wanaaga iyo wax wada lahaanshaha beeshaas iyo Somaliland taas oo dheelitaraysa abaabulka taban iyo odhaahda naxliga iyo fogayntu ku jirto ee meelaha kala duwan ka socda.
• In baaqyo nabadeed oo dejin ah ay soo saaraan culimada, waayeelka iyo xisbiyada mucaaradku iyo Madaxda Ururada Dhulbahante.
• In Madaxweynuhu jeediyo khudbad nabadeed, taas oo uu ku muujinayo in uu diyaar u yahay, wax kasta oo dadkaasi ku qancayo oo suurto-gal ah.

Odoraska 2aad: Odoroska Xalka ku meelgaadh ah (temporary solution)
• Gogol dhulbahante oo la dhigo iyo wadahadal qorshaysan oo lala furo garaadada.
• Madaxa kooxda khaatumo oo wadahadal lala furo, waa marka jawigu yara dego, waxaana muuqata in lagu kacsanyahay ninka hogaanka ugu qoran oo aynu fursad heshiis ka heli karo.(every little helps)
• In xilal loo kordhiyo dhulbaahante, si gaar ahna loo beegsado Jaamac Siyaad iyo Dhulbaahantaha Ceerigaabo oo aan hada xukuumadda aad uga muuqan.
• In Ganacsada Dhulbaahante oo uu ugu horeeyo ina Jabuutaawi Madaxweynuhu u yeedho, wixii cabatin ah laga shaafiyo lana hawlgeliyo, lana dhiirigeliyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee beeshaas si ay u xoogaysqto danahoodu oo ay u dareemaan kaalinta ay dalka ku leeyihiin ee dhinac kasta ah.
• In Ergo culimo oo isku jirta loo diro Laascaanood, si ay ula fadhiistaan culimada degaanka una xoojiyaan dhaqaaqyada nabada ee socda.
• In loo diro Eego dhaqan (Madax-dhaqameed), kuwaas la fadhiisanaya Garaaddada Dhulbahante, iskuna deyaya in ay dejin, dood iyo wada xaajood dhaqan la bilaabaan.
• In loo diro guddi qaran oo ay horkacayaan Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Guurtida, kuwaas ka kooban saddexda gole ee qaranka, saddexda xisbi qaran iyo waayeelka kale ee aan looga maarmayn.

Odoraska 3aad: Odoroska xal waara (permanent solution)
Mucjiso ma aha in la helo xal waara, balse wuxuu ka imanayaa rog-rogga talada iyo tuujinta maskaxda, oo la isku dayo in deegaanka Laascaanood loo helo xal siyaasadeed waara oo ay ku qanacsanyihiin degaanku lana fulin karo.

Intaas kuma koobna ee waxaa ka mid ah xalalka:
• In shir weyne dib u heshiisiineed (oo) dhexdooda ah laga taageero ama loo fududeeyo, si loo helo cod iyo aragti midaysan oo aan caadifad iyo cunfi midna ku salaysnayn, kaddibna wada-hadal tusmaysan oo qorshaysan lala yeesho hoggaanka ay hawshaa u soo dirtaan. Isla markaana Dhulbahante lagu qaabilo si waafaqsan qabkooda, oo lagula macaamilo hab-dhaqan muujinaya in ay talada qayb ka yihiin, oo aan waxba loo yeedhinayn.
• In dawladnimadu (law and order) gaadho oo laga hir-geliyo deegaanadooda, iyada oo ay qayb ka yihiin oo deegaankooda laga hir-geliyo horumarka kala duwan, oo ay dhaqaalaha iyo fursadaha kala duwan ka helaan qusum caddaalad ku salaysan (fair share).
• In ay gaadhaan hoggaanka dalka ugu sareeya (Madaxweynaha iyo ku-xigeenka) isla markaana inta ka horraysa la abuuro himilada ah in loo ogolyahay in ay dalkan Somaliland hoggaamiyaan.

Qodobbada aan kor ku soo sheegnay ayaan u arkaa in ay xalka saldhig u noqon karaan, mana aha aragti aan xukuumadda joogta culays ku saarayno ama maanta igu dhalatay ee waa aragti aan hore u qabay oo aad ka helayso buuggayga Hodanka Baahan page 463. FG: Sida keliya ee saxda ahi in ay tahay sida aan kor ku xusay ma qabo, waxa aan se bartan idin kula wadaagay sidii ay qof ahaan ila qumanayd ee aan xalka u arkayay, aniga oo jecel, daacadna ka ah in kacdoonkaasi caqli lagu maareeyo inta aanu gaadhi heer aan waxba laga qaban karin.

Geesta kale, kulankii Madaxtooyada ee 11/02/2023 waxaanu Madaxweynaha u soo gudbinay xog iyo talo kale, oo ahayd in Garaaddadii Laascaanood ku shirayay ay naga soo gaadhay feker ah in ciidanka 2km oo keliya dib ciidanka looga qaado; si aanay xabadda labada ciidan isku soo gaadhin, kaddibna ay wada-hadal diyaar u yihiin. Madaxweynuhu wuxuu iigu hal celiyay, “Goojacade kama bixi karo ee adigu Xirsiyow miyaad ka bixi lahayd?”

“Haa, oo meel kasta oo ciidanku nabad ku joogi karo ayaan geyn lahaa, xataa haddii ay Oog igu kelifayso balse imika waxaanu ku leenahay Goojacade ama dabadiisa meeshii ku habboonaata ciidanka gee, si aynu fursad u siino nabadda oo aan labada ciidan xabadda isula gaadhin. Sidoo kale, maadaama oo ciidanku uu dhib kala kulmi karo in ka badan 100km, waxaa suurtagal ah in ay dabin ciidanku ku jabo noqoto, dadka iyo inagaba dhibaato inaga soo gaadho, magaaladuna dunto oo iyada oo intaasi dhacday, ciidanka aad Oog keento, ilayn ninna gurigiisa lagagama adkaadee” Ayaan ugu jawaabay.

Gun-gaadhka.
Ugu dambaynna wuxuu ku adkaysatay in aan ciidanka halkaas uu joogo iyo Goojacade midna aanu dib uga rarayn, hadalkayguna wuu badnaaye intaas ayaa se dulucdiisu ahayd. Xaqiiqaduna waxa ay tahay, Xisbiga Waddani iyo in badan oo u kaadiya lahayd lama yeelin, natiijadaduna waxay noqotay dhibta balaadhan oo naf, maal, burburka Laascaanood iyo dhaawaca guuldaro ee Ciidankii Qaranka soo gaadhay, waxaanay ila tahay, dhulku kala go’imaayo, dadkuna kala maarmi maayo wixii nool, siyaasaddana waa laga heshiin karaa, raad orooryo dib looma raaco, Ilaahay isagaa kala bedela umuuraha oo xaalka lagu jiro mid aan (la) filayn ku bedela ee waxaa loo baahanyahay in aynu arrimahaa aragti caafimaad qabta ku eegno, wixii dhacayna aynu wax ka barano oo is waydiino maxay u dhaceen ee sababay, yaa loo raacayaa iyo maxaynu uga gudbaynaa. Intaa ka dib, shalay wixii khaldamay la soo dhaaf, wixii dhacayba dhace ee maanta iyo berito aan samo ugu talino wixii nool, diintu haddii ay ina qaban waydo, dhaqanka haddii la dhawriwaayo, dhacdooyinka haddii aynu waxba ka baran weyno, oo wixii aynu taariikhda ku haynay dhibtiisa ama aynu fool xumadiisa u soo joognay mar kasta dib loogu celiyo, waxa marag-ma-doon ah in aynaan ciil ka korayn, oo qayrkeen gaadhayn, hanaan dawladeed iyo horumarna aynaan haybsanayn. “Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diiday, mar uun maad ku daytaan khalqiga libinta doonaya” X. Aadan Afqalooc.
Dhammaad.