Tobaneeyo qof ayaa la soo warinayaa in ay dhinteen maalmo gudahood ka dib iska horimaadyo u dhexeeya maleeshiyaad Kurdiyiin ah oo taageero ka helaya Mareykanka iyo dagaalyahannada qabaa’ilka Carabta ee Suuriya.
Dagaallada ayaa bilaawday ka dib markii ciidamada Dimuqraadiyiinta Suuriya ay xireen hoggaamiyihii maleeshiyo beeleed ay taageerayaan qabaa’ilka Carabta ee ka howl gala gobolka Deir ez-Zor, ee bariga dalkaas.
Rabshadaha ayaa markii dambe ku fiday waqooyiga iyo galbeedka ilaa gobollada Hasakah iyo Xalab.Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale heshay warar aan la xaqiijin oo ku saabsan dilka 54 qof oo rayid ah oo ka dhashay dagaallada.
Mareykanka oo boqolaal askari ay kaga sugan yihiin goobaha ay maamulaan xoogaga Dimuqraadiyiinta Suuriya si ay uga hortagaan Daacish, ayaa ku booriayay dhammaan dhinacyada inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, ayna gaaraan xal nabadeed.