Soomaaliya oo kubiireysa Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo gabagabeysay shirar iyo dedaallo ay waday muddooyinkaan oo ku aaddan sidii ay ugu biiri lahayd Dallada Bulshada Bariga Afrika.

Waxaa shalay magaalada Nairobi lagu soo gabagabeyay mid ka mid ah shirarkii ugu dambeyay oo arrintaan lagu dhiraan dhirinayay isla markaana su’aalo lagu waydiinayay khuburo iyo mas’uuliyiin ka socotay Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan Ururka Bulshada Bariag Afrika Cabdisalaan Hadliye Cumar ayaa BBC-da u sheegay in is afgarad laga gaaray sidii Soomaaliya uga mid noqon lahayd dalladdaan waxaana uu rajo ka muujiyay in waqti dhow ay howshaa soo idlaan doonto