Siyaasiyiinta Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo kala ah Gudoomiyeyaasha Ururada Kaah iyo Barwaaqo oo in muddo ahba qayb ka ahaa Khilaafaadka taagan ee Doorashooyinka Somaliland ayaa waxay qaateen Go’aan aad ugu adag oo ah inay Aqbaleen Go’aamo ay soo Saareen Guddi deegaan ahaan kasoo jeeda Bariga Burco oo iyagu hore iskugu xilqaamey inay soo saaran Go’aamo lagu kala dajinayo xaaladaha adag ee wakhtiyadii udambeeyey ka Taagnaa Somaliland.
Mucaaradka ,xukuumada iyo inta badan ururada siyaasada ayaa hadda isku soo dhawaansho ka muuqda maadaama oo lasoo gabagabeeyey khilaafyo ka taagnaa Arrimaha doorashooyinka oo si weyn layskugu hayey hadba ta laqabanayo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururada .