Somaliland oo maalintii labaad banaan-baxyo xoogani ka socdaan .

Magaaalada Gabiley ayaa waxa maanta oo Arbaca ah ka socda Dabaaldag iyo banaanbax xoogan oo lagu taageerayo ciidamada Milateriga jamhuuriyada somaliland ee ku sugan furimaha jiida hore ee gobolka Sool ee Bariga Somaliland.

ciidanka milateriga Somaliland ayaa dagaalo qadhaadh kula jira ciidamo beeleeedyo garab ka helaya kuwa Maamulka Puntland ee Soomaaliya waxaana somaliland ciidamadeedu hadda ku sugan yihiin deegaanka Oog Ee Gobolka Sool oo in ku dhow 100km ujirta Magaalada laascaanood .

si kastaba Banaabaxan ayaa ah mid nabadeed iyo garab istaag xoogan oo shacabka somaliland umuujinayaan ciidankooda ku sugan Jiidaha Hore ee Dagaalka .