Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu Khamiista is geeyo maxkamad ku taalla gobolka Georgia si uu u wajaho eedeymo ku saabsan faragelinta doorashadii Mareykanka ee lagaga guuleystay .
Xaakim ku sugan gobolka Atlanta oo gacanta ku haya kiiska madaxweynihii hore ayaa soo jeediyay in damaanad dhan $200,000 (£157,000) uu Trump bannaanka ku joogo.
Heshiiskan ayaa ka dhigan in Mr Trump uu xor sii ahaan karo muddo dheer isagoo sugaya maxkamadeyn maaddaama aanu isku dayeynin inuu cabsi geliyo marqaatiyaasha.
Trump ayaa laga doonayaa in aanu u hanjabin oo aanu cabsi gelin cid walboo kiiskan ku lug leh sida marqaatiyaasha.
Waxaa heshiiska damaanadda wada saxiixay xeer ilaaliyaha degmada Fulton, Fani Willis, iyo qareennada Mr Trump.
Gelinkii dambe ee shalay Mr Trump ayaa bartiisa, Truth Social kusoo qoray: “Ma rumeysan kartaa? Waxaan Khamiista u socdaa Atlanta, Georgia, si ay ii xidho xeer-ilaaliyaha degmada ee xagjirka ah, Fani Willis.”
“Olole ayay gashay, wayna sii waddaa, lacag ayayna uruurisay,” ayuu intaa raaciyay. “Tan waxay xidhiidh adag la leedahay waaxda caddaaladda ee Joe Biden.” “Ma awoodi doonaa inaan qaato diyaaraddeyda,” ayuu sidoo kale kusoo qoray bartiisa.
“Dabcan maya, waxaa ii fiican inaan mid caadi ah ku safro – waan hubaa cidna ima aqoonsan doonto!”
Ms Willis ayaa xaakimka ka codsatay inuu qabanqaabiyo maxkamadeynta 5-ta September.