Maayirka Hargeysa oo sheegay xisbiga uu ka tirsan yahay.

Maayirka Caasimada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa waxa uu cadeeyey mawqifkiisa siyaasadeed isagoo sheegay inuu yahay xubin ka tirsan xisbiga waddani isla markaana aanu ka bixin xisbigii tacabka badan galiyey ee waddani.

Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku qabsadey Magaalada Burco ayaa laga yeedhiyey magaca maayir mooge wakhtigii la xaadirinayey xubnaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye Inkasta oo aanu goobta tagin maayirka caasimada hargeysa.

Xisbiga Kulmiye oo Masuuliyiintiisa usareeya hadleen Waxay Sheegeen inay furan yihiin Kalfadhiyadii Golayaasha Deegaanku isla markaana hadda laga bilaabo Maayir Cabdikariin in xilka laga Qaadi karo.