Khasaare intee leeg ayaa ka dhashay Dabka ka kacay Keymaha Dalka Canada ?

Dabka ka kacay keymaha gobolka galbeedka Canada ku yaala ee British Columbia ayaa sii xoogeystay iyadoo tirada dadka la amray in la daad gureeyo ay laba jibaarrantay maalintii Sabtidii shalay waxayna mas’uuliyiintu ka digayaan in maalmo adag ay soo fool leeyihiin.

Gobolka ayaa lagaga dhawaaqay xaalad degdeg ah Jimcihii si loo helo awooddaha ku meel gaadhka ah ee wax looga qaban karo khatarraha la xidhiidha dabka,waxana dabka oo la awoodi waayay in la xakameeyo uu ka kacay gudaha gobolka British Columbia,iyadoo qayb ahaan ay xidhmeen waddooyinka muhiimka ah ee isku xidha xeebta baasifiga iyo galbeedka Kanada, waxana burburtay hanti faro badan.