Ugu yaraan 1,400 oo qof ayaa gaajo ugu dhintay waqooyiga Tigray ee Itoobiya kadib markii ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ee WFP iyo hay’adda hormuudka u ah gargaarka Maraykanka ay joojiyeen cuntadii gargaarka ahayd ee ay siin jireen Tigray sababo la Xidhiidha in cunnada gargaarka ah la xaday, sida uu sheegay sarkaal.