Dhacdo Naxdin leh oo ka dhacday Gudaha Magaalada Burco.

Maanta oo Sabti ah waxa qalin jabinayey dufcadii 13aad ee ka baxda Jaamacada burco waxaana Ka qayb galey Masuuliyiin Somaliland ah oo uu kamid yahay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno Ka Tirsan Golihiisa wasiirada .

Dhacdo Naxdin leh ayaa Ka dhacday Gudaha Hoolkii Ay Munaasibada Qalin Jabintu ka socotay kadib Markii uu Geeriyoodey Aabo Cali Nuur Oo dhalay Ardayada Xamda Cali Nuur Oo iyadu ka qalin jabineysay Jaamacadani.

Aaabaheed ayey usoo kaxeysatay inuu la qaybsado Farxadda Xafladeeda Qalin Jabinta Balse Waxay unoqotay Maalin murugo leh Iyadoo Aabaheed wayday alle Ha unaxariiste.

Dawlada Somaliland Gaar ahaan wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa Waxa Ay ballan qaad usameysay Xamda Cali Nuur iyadoo Sheegtay Inay Xamda kamid tahay Shaqaalaha wasaarada Arrimaha Gudaha.