Baaq ka soo baxay waxgaradka iyo aqoonyahanada ku bahoobay Madasha Baraarug.
Ku: Madaxweynaha iyo golaha wasiirada ee Dawladda Somaliland
Ku: Madaxda xisbiyada Mucaaridka.
Ku: Madaxda golayaasha baarlamaanka
Ku: Cid kasta oo ay khusayso.
Ujeedo:
Waa baaq ku saabsan dib u heshiisiinta iyo raadinta xal nabadeed oo loogu talagalay in lagu gaadho midnimo qaran,sidoo kalena lagaga fogaado dhibta qabyaaladeed,colaadeed iyo kala qeybsanaanta bulshadeena.
*****
Mahad oo dhan Illaahay ayaa iska leh, Eebaha aduunka oo dhan abuuray. Waxaan ku mahadinaynnaa nimcooyinkiisa ay ka mid yihiin nabadda, iimaanka iyo xasiloonida.
Talo guud oo qof walba khusaysa ayaa ina saaran dhamaanteen sida uu Illaahay ku xusayo aayadan:
Ilaahay kor ahaaye wuxuu yidhi:
قال الله تعالى: {فَاتَّقُوا اللَّهَ وَأَصْلِحُوا ذاتَ بَيْنِكُمْ وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ إِنْ كُنْتُمْ مُؤْمِنِينَ} [سورة الأنفال آية: ١ ]
_Waa waajib saaran muslimiintu inay is waaniyaan, talona isa siiyaan.
-In wanaaga la iskula dardaarmo waa xuquuqaha ugu waaweyn ee Muslimiinta dhexdooda ah, Abu Hureyrah-Alle haka raalli noqdee- waxaa laga wariyey in Rasuulku – Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam uu yidhi : “Xuquuqda qofka muslimka ah uu ku leeyahay Muslim kale waa lix,” waxa ka mid ahaa: “Hadduu talo ku weydiiyona la tali.” [Waxa soo saaray Imamu Muslim ].
Sidoo kale waxa uu Nabigeennu – Salla Allaahu Calayhi Wa Sallam- yidhi : “Diintu waa Naseexo/Waano ”. Saddex jeer ayuu ku celceliyey…”
Waxaan soo jeedinaynayaa:
Anagoo dhinaca waanada ka duulaynna, waxaanu u soo jeedinaynnaa Baaq ku aadan maamulka dawladda, maamulka mucaaridka, iyo dhammaan shacabka oo dhan inay ka fogaadaan waxa dalka u horseedaya burbur,kala tagsanaan iyo xasilooni la’aan ,sidoo kalena keeni kara in la lumiyo nabadgelyada iyo amniga lagu naaloonayo
Si aan u helno waddo lagaga baxo xaaladdan adag, waxaan ka codsaneynaa dadka mas’uulka ah:
1. In albaabada loo furo wada hadal dhab ah, qof kastaana uu ku dadaalo sidii looga wada hadli lahaa, xal nabadeedna loogu heli lahaa khilaafaadka siyaasadeed.
2. In Danta guud laga hormariyo danaha gaarka ah.
3. Waxan ka codsanaynnaa in qof walba uu nafta dabro,sidoo kalena caqliga toosan iyo xikmaddaba laga horraysiiyo adeegsiga awoodda gacanta iyo dhawaaqa rasaasta.
4. Waxaannu codsanaynnaa in qof kastaa uu si waddaniyad leh uga shaqeeyo sidii loo gaadhi lahaa is afgarad siyaasadeed sida ugu dhakhsaha badan,uguna haboon.
5. Waxaan ku baaqaynaa in laga faa'iidaysto casharradii iyo waayo-aragnimadii hore ee la soo maray.
6. Waxaan ka digaynnaa hurin colaadeed iyo mid qabyaaladeed labadaba.
Qabyaaladda oo laga dhex huriyo dad isku mid ah, isku ehel ah waa nooc ka mid Jaahilnimaddii diinta IsIaamku reebtay oo aan loo baahnayn in ay ku dhex faafto dadka dalka ku wada nool.
Baaqyada qabyaaladeed waxay khatar ku yihiin oo dhaawacayaan isku-xidhnaanta iyo isku-tiirsanaanta bulshada, waxayna xididdada u saarayaan amniga iyo xasilloonida bulshada, taasoo mas’uuliyadi ka saaran tahay qof kasta oo bulshada ka mid ah.
Sidaa daraadeed waxan ka digaynnaa in dadka qaar ay duruufahan uga faa’iidaystaan ku kicitaanka falal kala fogeynaya ummadda walaalaha ah, isla markaana adeegsanaya hal-ku-dhegyo ay ku kicinayaan bulshada qaybaheeda kala duwan. Waxaannu cadeynaynnaa in kicinta qabyaaladdu ay yeelan doonto dhibaato weyn oo keeni karta cidhib xumo aan la filayn.
Gunaanad:
Gabagabadii waxaan Allaha awooda leh ka baryeynnaa in uu inoo kordhiyo nimcada nabadgalyada iyo bedqabka uu innagu galadday.
Waxaan kaloo Illaahay ka baryaynnaa in uu dalka ilaaliyo, iyo in codka waxgaradku uu ka yeelo mid ka sareeya kuwa ku talinaya in la adeegsado cududda iyo qoriga
****
Illaahay ha ina waafajiyo wanaaga iyo is afgarashada.
W/Q:
Dalada Baraaarug ( Waa aqoonyahano ku abtirsada Diinta Islaamka ,Kuna bahoobay madasha Ku astaysan “Madasha Baraarug”..waxay ka kooban yihiin qurbojoog iyo qolqoljoog)..