Australia ayaa hakad galisay dhoolatus milatari oo ay la sameyneysay Mareykanka kadib markii diyaarad helicopter ah ay la la’dahay afar ka mid ah shaqaalaha hawada.
Ciidamada Difaaca Australia MRH-90 Helicopter Taipan ayaa ku burburtay biyaha gobolka waqooyi bari ee Queensland abbaare 10:30pm Jimcihii (12:30 GMT), wasiirka gaashaandhigga Richard Marles ayaa sidaas yidhi.
“Qoysaskii afarta duuliye waa la ogeysiiyay dhacdadan, rajadayada iyo fikradaheena waxay aad ula socdaan shaqaalaha diyaaradda iyo qoysaskooda,” ayuu yiri Marles.
Diyaaradan ayaa ka qeyb qaadaneysay Talisman Sabre, oo ah dhoolatus militari oo ay iska kaashanayaan Australia iyo Mareykanka oo ay ka qeyb qaadanayaan 13 wadan oo ay ku jiraan Japan, France iyo Germany iyo in ka badan 30,000 oo shaqaale ah.
Saraakiishu ma aysan soo bandhigin sababta shilkan mana aysan sheegin goorta leyliga dib loo bilaabi karo.