Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dalka Filibiin kadib markii duufaanta Doksuri ay ku dhufatay qeybo ka mid ah waqooyiga jasiiradahaasi, iyadoo ay ka jeexday saqafyada, korontadana ay jartay, fatahaado ay sameysay tuulooyin hoose iyo kumanaan qof ayaa ay barakicisay.
Duufaanta xoogga badan, oo keentay dabeylo gaadhaya 175km saacadii (108 mph) markii ay ku dhufatay dalka Filibiin Arbacadii, ayaa la filayaa inay sii xoogeysato iyadoo sii wadatay jihada Taiwan iyo Shiinaha dabayaaqada toddobaadkan.
Hay’adda masiibooyinka qaranka ayaa sheegtay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay gobolka Rizal ee dalka Philippine, oo bariga ka xiga caasimadda Manila, ka dib duufaantaasi.
Waqooyiga gobolka Cagayan, in ka badan 12,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay tuulooyinka iyo iskuullada xeebaha ah ee khatarta badan leh, waxaana la xidhay goobihii shaqada si taxaddar leh.
“Magaalooyinkeena waqooyi ee xeebaha ah waa la garaacayaa,” gudoomiyaha gobolka Cagayan Manuel Mamba ayaa khadka taleefanka ugu sheegay wakaalada wararka ee Associated Press.
“Waxaan helayaa warbixino sheegaya in saqafyada daasadaha ah ay .”
Qiimaynta khasaaraha ayaa la samayn doonaa ka dib marka ay dufaantu dhaafto balse Mamba waxa uu sheegay in uu ka baqayo in ay waxyeelo wayn soo gaadho dooxada Cagayan ee galleyda iyo bariiska, kuwaas oo ay horeba u garaaceen muddo bilo ah ka hor intii aanay ku dhicin Doksuri.