Garsoore heer federaal ah oo Maraykan ah ayaa meesha ka saaray, siyaasad la xirriirta magangalyada oo uu dhawaan dhaqan galiyay madaxweyne Bide

Garsoore heer federaal ah oo Maraykan ah ayaa meesha ka saaray, siyaasad la xirriirta magangalyada oo uu dhawaan dhaqan galiyay madaxweyne Biden.

Go’aankan ayaa dhabar jab ku noqonaya dedaallada maamulkiisu uu ku doonayo in lagu xakameeyo muhaajiriinta dalka ka soo galaya xuduudda Koonfureed ee Mexico.

Grasoore Jon Tigar ayaa sharci darro ku tilmaamay in dadka magan-gelyo-doonka ah ay iyagoo dalalkooda jooga soo codsadaan gelitaanka Maraykanka, ama ay ka soo codsadaan waddamada xuduudda la leh Mareykanka.