Baarlamaanka Ghana ayaa u codeeyay in la baabi’iyo ciqaabta dilka

Baarlamaanka Ghana ayaa u codeeyay in la baabi’iyo xukunka dilka ah, iyagoo ku biiray liiska dheer ee dalalka Afrikaanka ah ee sidan oo kale sameeyay sannadihii u dambeeyay.

Dalka waxaa hadda ku xukuman 170 rag ah iyo lix dumar ah, kuwaas oo xukunkooda hadda lagu bedeli doono xabsi daa’im. Dilkii ugu dambeeyay wuxuu dhacay 1993-kii, isagoo Xukunka dilka ahi ahaa xukunka qasabka ah ee dalkaasi Ghana.

Sahannada ra’yigu waxay soo jeedinayaan in badi dadka Ghana ay oggolaadaan baabi’inta dilka isla markaana lagu badalayo Xukunka xabsi Daa’inka ah.

Sannadkii hore toddobo qof ayaa lagu xukumay dil toogasho ah Ghana – laakiin midna laguma fulin. Khiyaamada qaranka ayaa sidoo kale Ghana lagu xukumay dil toogasho ah.

Hindise sharciyeedka wax ka bedelka sharciga dambiyada waxaa soo gudbiyay MP Francis-Xavier Sosu waxaana uu taageero ka helay guddiga baarlamaanka ee dastuurka iyo sharciga .

Urur olole fadhigiisu yahay London, Mashruuca Ciqaabta Dilka (DPP), ayaa kala shaqeeyay Mr Sosu sidii sharciga wax looga beddeli lahaa.

Bayaan ay soo saartay DPP ayaa lagu sheegay in Ghana ay tahay waddankii 29-aad ee Afrika ah ee baabi’iya ciqaabta dilka, waana dalka 124-aad ee caalamka.

Sanadihii la soo dhaafay dowlado badan oo Afrikaan ah ayaa baabi’iyay ciqaabta dilka, oo ay ku jiraan Benin, Central African Republic, Chad, Equatorial Guinea, Sierra Leone iyo Zambia.