Hay’adda Socdaalka ee Itoobiya oo loo Magacaabay Agaasime Cusub xilli Baasaboor yaraani ka jirto dalkaasi.

Hay’adda Socdaalka ee Itoobiya oo loo Magacaabay Agaasime Cusub xilli Baasaboor yaraani ka jirto dalkaasi.

Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa xilalka ka qaaday saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha, kuwaasoo ay ku jiraan agaasime ku xigeenkii Fraol Tafa iyo Tamru Gembato.

Xilka qaadistan ayaa timid ka dib markii ay cabasho ka muujiyeen muwaadiniinta Itoobiya ku dhibtoodeen qaadashada baasaboorka cusub ama cusboonaysiinta baasaboor hore.

Selamawit Dawit ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha. Selamawit, ayaa hore u ahayd wasiiru dowlaha dhaqanka iyo dalxiiska, waxayna sidoo kale soo noqotay madaxa wakaalada qurbajoogta Itoobiya.