Hay’adda dhakhaatiirta ee MSF oo joojisay shaqadii ay ka haysay Laascaanood.

Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa sheegtay in ay joojisay shaqadii ay ka haysay cusbitaalka guud ee Laascaanood, kadib markii ay sheegeen in xaaladda halkaa ka taagani ay saamixi wayday inay kasii shaqeeyaan.