Abiy Ahmed oo sheegay in ay awood ciidan u adeegsan doonaan helida Deked ay leeyihiin.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa ku dhawaaqay in ay dawladda Itoobiya ka baaraan degayso jidka kasta oo ay ku heli karto Deked u gaar ah dalkeeda.
Abiy Ahmed waxa uu sheegay in qorshaha ay ku helayaan Dekedda ay u mari doonaan kala doorashooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin wada hadal, wax isdhaafis, haddii ay taasi ku waayaana ay awood Militeri adeegsan doonaan.
Raysal Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlayey kulan uu la yeeshay khamiistii Ganacasto iyo Maal gashadayaal Itoobiyaan ah, ayaa waxa uu u sheegay Dekeddaha ay imika wax laga soo degaan kana dhoofiyaan uu dhaqaale badan kaga baxo, isla markaana ay u baahan yihiin in ay helaan Deked u gaar ah in ay u yareeyaan ku tiirsanaanta Dekeddaha Dalalka Jaarka ah.
Raysal Wasaaraha Itoobiya waxa uu intaasi ku daray in Dawladda Itoobiya bilowdayba in ay wada xaajood la gasho Eriteriya, Jabuuti, iyo Somaliland si ay u helaan marinka dekedeed.
Arrinta Eritrea, dawladdu waxay soo jeedisay in 30% diyaaradda Itoobiya la siiyo dawladda Ereteriya si ay u hesho dekedda.

Abiy ayaa sheegay in sidoo kale dowladda ay ka fiirsaneyso in awood loo adeegsado sugidda amniga dekedda, balse taasi ay noqon doonto tii ugu dambeysay.
“Waxaan rabnaa inaan ku helno deked hab nabadeed, laakiin haddii ay taasi fashilanto, waxaan adeegsan doonnaa xoog,” ayuu yidhi Abiy.

Dhawaaqan ka soo yeedhay Abiy ayaa loo arkaa mid muujineysa in dowladda Itoobiya ay go’an tahay in ay hesho Deked u gaar ah, taasna ay ku mari karto dariiq kasta oo awood ciidan ku jirto.