Golaha wakiilada somaliland oo Yeeshay Gudoomiye Cusub.

Xildhibaan Yaasin Xaaji maxamuud Xiir (Faratoon) oo laga soo doortay Gobolka Sool ee Bariga Somaliland ayaa maanta loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha cusub ee golahaasi Wakiilada somaliland oo uu hore iskaga Casiley Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo gabi ahaanba isagu sagootiyey siyaasada Somaliland.

Yaasiin Xiir Faratoon ayaa waxa uu la Tartamay Xilshibaan Maxamed Khadar daahir oo kasoo baxay xisbiga Ucid iyo Gobolka maroodi-jeex isagoo Yaasin Hogaamin doona Golahaaai inta ka hadhsan Muddo Xileedkooda.

Yaasin Faratoon ayaa helay tirada Codadka ee 45 Mudane oo kamid ah 80 Mudane oo Fadhiyey Golahaasi halka Xildhibaan Maxamed khadar uu helay 35 Mudane.

Si kastaba Mucaaradka somaliland ayaa la filayaa in saacadaha iyo Maalmaha soo socda ay ka hadlaan Doorashadan lagaga Guuleystay iyo Go”aankoodi Doorashada ururada oo hore ay ugu dhawaaqen Koomishanka Doorashooyinka Somaliland.

MMSOMALITV.COM