Khasaare dhimasho leh oo ka dhashay banaan baxyada ka socda Dalka Kenya.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintey dibadbaxyadii shalay ka dhacay dalka kenya ee looga soo horjeeday canshuur kordhinta iyo kor u kaca qiimaha maciishadda.

Tobannaan qof oo kale ayaa la dhigay cusbitaallada kuwaas oo ku dhawaacmay dibadbaxyada, iyadoo xabsiga la dhigay in ka badan saddex boqol oo qof.

Mucaaradka Kenya ayaa maalintii labaad wali ku adkeysanaya in ay sii wadayaan bannaanbaxyada.