Si loo ilaaliyo amniga madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin telefoonnada casriga ah ayaa laga ilaaliyaa aqalka Kremlin-ka, taas oo ah tallaabo qayb ka ah sugidda amniga Putin.
Madaxweynaha Ruushka qudhiisa ayaa xaqiijiyay inaanu isticmaalin qalabka casriga ah ee isgaadhsiinta.
Sanadkii 2020-kii ayuu wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka ee Ruushka, TASS, ku sheegay in haddii uu rabo inuu la xidhiidho qof uu isticmaalo telefoon rasmi ah oo loogu talo galay, Balse xaqiiqada ku aaddan in madaxweynahu aanu isticmaalin qalabkaasi waa in aanu kalsooni ku qabin internet-ka.
Hore ayuu mar u sheegay in internet-ku uu yahay “Mashruuc ay leeyihiin CIA” – oo ah hay’adda sirdoonka Mareykanka ayuu Dadka u dhashay Ruuhska ka codsaday in aanay waxba ka raadinin Google maadaama uu u arko in Mareykanku ay la socdaan xogta la galiyo adeeggaasi.
Isbadallada lagu sameeyay amniga madaxweynaha Ruushka kuma eka oo kaliya kuwa ku saabsan dhinaca weerarrada, balse dhinacyada cuntada iyo caafimaadka ayaa ka mid ah waxyaabaha aadka looga taxaddaray.