Ku dhawaad 100 qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa saaka oo Arbaca ah dhagxaan ku weeraray booliiska xaafadda Kibera ee magaalada Nairobi, iyadoo ay dalka Kenya ka bilowdeen dibadbaxyo saddex maalmood ah oo lagaga soo horjeedo qiimaha maciishada iyo cashuur kordhinta. Dibad-baxayaashu waxay taayiro ku gubeen Kibera, waxayna booliisku la kulmeen sunta dadka ka ilmaysiisa. Kibera, oo ah goob uu ku xoog badan yahay hogaamiyihii mucaaradka ee ruug cadaaga ah ee Raila Odinga oo bulshada u matalay baarlamaanka 1993-2003, ayaa inta badan ahayd bartii ay iskugu dhaceen ciidamada ammaanka. Laakin weriyaha Aljazeera Catherine Soi, oo ka soo warrameysa Nairobi, ayaa sheegtay in xaaladdu ay si weyn u deggan tahay meelo kale oo caasimadda ah. Maamulka ayaa ku dhawaaqay in iskuulada la xiri doono Arbacada bartamaha magaaladana ay aheyd meel cidlo ah iyadoo meherado badanna la xiray. Soi wuxuu sheegay in ciidamada dowladda la geeyay "goobaha kulul ee sida caadiga ah ay mudaaharaadyadu ka dhacaan" gudaha caasimadda. "Laakiin hadda, waxay aad ugu muuqataa in dadku ay ka fog yihiin," ayay raacisay. "[Waxay] go'aansadeen inay guriga joogaan oo ay sugaan xaaladda." Wargeyska The Nation ee ka soo baxa dalkaasi ayaa sheegay in Boliska ay xireen dad looga shakisan yahay inay dibad-bax ka dhigayeen Homa Bay ee Galbeedka dalkaasi. Warbaahin kale oo maxali ah oo lagu magacaabo Shabakadda Telefishinka Kenya, ayaa soo warisay in saddex qof oo mudaaharaadayay la dhigay isbitaal ku yaalla Migori, oo u dhow xuduudka Tanzania.