Israa’iil oo weerar ka gaysatay Dalka Suuriya.

Israa'iil ayaa weerar cirka ah ka fulisay meel u dhow caasimadda Suuriya ee Dimishiq, halkaas oo ay ku dhaawacday laba askari oo Suuriyaan ah, sida ay sheegtay dawladda Suuriya. 

Wakaaladda wararka ee SANA ayaa ku warantay subaxnimadii hore ee Arbacada in difaaca cirka ee Suuriya ay ka hortageen gantaalada Israel ay riday 12.25 subaxnimo wakhtiga maxaliga ah (21:25 GMT) ee Israel ee buuraha Golan Heights oo ay "soo rideen intooda badan".

SANA, oo soo xiganaysa ilo militari, ayaa sheegtay in laba askari oo Suuriyaan ah ay ku dhaawacmeen weerarka gantaalka waxaana jira "khasaare agab ah".

Kooxda la socota arrimaha xuquuqul insaanka ee Suuriya, oo ah kormeere dagaal oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in weerarada cirka ay noqonayaan markii 20-aad ee Israa'iil ay duqeyso bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya sanadkan.