Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, howgal ciidamada dowladda federaalku ka sameeyeen deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya gobollada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe, ayaa lagu dilay in ka badan soddon ka tirsan Al-shabaab.
Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay sidoo kale in ciidamada dowladdu kula wargeen hub iyo agab kale isla markaana ay burburiyeen saldhiga Al-shabaab ku lahaayen deegaanka.
Marka laga soo tago sheegashada ciidamada dowladda, ma jiro warar si madax bannaan u xaqiijinaya sida ay halkaa wax uga dhaceen,mana jiro war ka soo baxay dhanka Al-shabaab.