Maxkamadda sare ee Kenya oo go’aan ka soo saartay debed-baxyada Mucaaradka.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku gacan-saydhay dacwad loo gudbiyey oo ka dhan ahayd debed-baxyada ay wadaan xisbiyada mucaaradka ee dalkaasi. Codsigan ayaa ku saabsanaa in la hakiyo debed-baxyada qorshaysan ee la filayo in mucaaradku ay ka dhigaan guud ahaan dalka Kenya, kuwaas oo ay kaga soo horjeedan xukuumadda dalkaas.

Go’aankan ayaa maxkaamaddu soo saartay ka dib markii uu garyaqaan u dhashay dalka Kenya uu maxkamadda sare u gudbiyey dacwad uu ku doonayey in mucaaradka laga joojiyo debedbaxyada.