Dawladda Ruushka ayaa ku dhawaaqay go’aan saameyn weyn ku leh nolosha Soomaalida ku nool Geeska Afrika iyo dalalka kale ee Afrikaba, kaas laga sii digay uu halis geliyo dad badan.
Go’aankan Ruushku gaadhay ayaa ah ay kaga baxayaan heshiiskii ay dhexdhexaadiyeen Qaramada Midoobay iyo Turkiga, ee u ogolaanayay Ukraine in ay qamadiga u dhoofiso debedda, iyada oo la marinayo badda madow.
Arrintan ayaa walaac hor leh ku abuureysa dalalka saboolka ah ee ku tiirsan sareenka ama hadhuudhka laga soo diro Ukraine iyo Ruushka.
Hay’adda caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC) ayaa waxay si weyn walaac uga muujisay ka bixitaanka Ruushka ee heshiiska Hadhuudhka soo mara Badda Madow, taasoo ay sheegtay inay khatar gelinayso mustaqbalka dhoofinta hadhuudhka Afrika.
Hay’adda Caalamka ee dhinaca gargaarka ka shaqeeya ayaa sheegaya in
go’aanka uu Ruushka kaga baxay heshiiskan in uu dhibaato weyn ku yahay in ka badan 349 milyan oo qof oo adduunka ah oo wajahaya cunto yari.
“Laga soo bilaabo Ukraine ilaa Soomaaliya, waxa lala kulmayey saamaynta xun ee cuntada iyo qiimaha tamarta ee 500 maalmood oo uu socdo dagaalka Ukraine. Ka bixitaanka heshiisku waxa uu halis gelinayaa in haqab-beelka cuntada adduunka lagu hayo madax-furasho,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay’adda IRC.
Ku dhawaad 80% badarka bariga Afrika waxaa laga keenaa Ruushka iyo Ukraine. Iyadoo in ka badan 50 milyan oo qof oo ku nool Bariga Afrika ay wajahayaan gaajo daran, iyo qiimaha cunnada oo kor u kacay ku dhawaad 40% sanadkan.