Guddida Koomishanka Doorashooyinka somaliland ayaa waxay maanta soo saaren Jadwalka Doorashooyinka Somaliland oo in muddo ah laga sugaayey .
Koomishanka ayaa iclaamiyey in Doorashooyinka Ururada iyo Madaxtooyadu ay dhici doonaan Sanadkan 2023ka iyo Dhamaadka sanadka 2024-ka.
waxay sheegeen in doorashada ururadu ay dhici doonto 28 December ee sanadkan 2023-ka isla markaana ay kawada qayb geli doonaan Saddexdii xisbi ee hore iyo Tobanka urur siyaasadeed ee hore usoo baxay, Halka Doorashada Madaxtooyaduna ay qabsoomi doonto 13-ka bisha November ee sanadka danbe ee 2024-ka.
Go’aankan kasoo baxay Koomishanka ayaan illaa hadda aanay ka hadal xisbiyada Mucaaradka ahi oo aad uga soo horjeeday Qabsoomida Doorashada Ururada oo ah tan ay ku dhawaaqeen koomishanku inay qabsoomi doonto.