Isku socodka dadka iyo Gaadiidka buundada Crimea oo xidhan.

Isu socodka dadka iyo gaadiidka ayaa la joojiyay buundada Crimea ee uu Ruushku dhisay sababo la xidhiidha “xaalad degdeg ah”, saraakiisha Ruushka ayaa sheegay Isniintii, halka warbaahinta Ukraine ay sheegtay qaraxyo ka dhacay buundada.

Sergei Aksyonov, oo ah Badhasaab Ruush ah ayaa sheegay in xaaladda degdega ahi ay ka dhacday tiirka 145-aad ee buundada oo isku xidha jasiiradda Crimean iyo gobolka Ruushka ee Krasnodar.,balse muu bixin wax tafaasiil dheeri ah.
Wakaalada wararka ee RBC-Ukraine ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay buundada.

Crimea waxaa uu Ruushku ka qabsaday Ukraine sanadkii 2014, balse caalamka u aqoonsan inay ka tirsan tahay Ukraine.

Kanaalka Grey Zone ee Ruushka, oo ah kanaal Telegram ah oo si aad ah loola socdo oo xiriir la leh kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, ayaa sheegay in labo weerar ay ka dhaceen buundada 03:04 am (0004 GMT) iyo 03:20 subaxnimo.

Ilaa hadda ma cadda waxa ka dhacay buundada ay uga dhigan tahay heshiiska ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay ee ogolaanaya dhoofinta badarka Ukraine ee badqabka ah ee Badda Madow. Heshiisku waxa uu dhacayaa isniinta walina waxa uu ahaa mid mugdi ku jiro habeenkii axada.

Waddada 12-mile (19-km) iyo buundada tareenada ayaa waxaa waxyeello kasoo gaartay qarax bishii Oktoobar ee lasoo dhaafay, weerarkaas oo Kremlin-ka ay sheegtay inay kasoo abaabuleen ciidamada ammaanka ee Ukraine. Ukraine ayaa si dadban u qiratay weerarka bilo ka dib.

Reuters ma aysan awoodin inay si madax banaan u xaqiijiso wararka. Ma jirin wax hadal ah oo ka soo baxay Ukraine.