Maxaad ka taqaan buurta badda ku dhextaal ee Somaliland ?

Buurta Rabshiga waa mid kamid ah Buuraha ugu taariikhda iyo faca weyn Guud ahaanba Somaliland waxaana ay ku taala xeebta Gobolka Sanaag oo ah kan ugu qurxoon marka aynu eegayno Dhanka dhirta iyo jawiga qabow oo uu kaga duwan yahay Gobolada kale ee Somaliland.

Buurta Rabshigu waxay masaafo 25km ujirta magaalada Maydh waxaana ay caan ku tahay inay tahay Hoyga shimbiraha iyadoo buurtan ay sahashay in Kalluumeysatada Baddu ay si sahal ah uqabtaan Kalluunka badda ku jira maadama oo Kalluunku uso dhawaado Buurta Xilluiyada qaarkood.

Rabshigu Macna ahaan waa”saxarada Shimbiraha ” waxaana shimbiraha kunool Buurtani ay sanadkiiba sameeyaan deegaan badalasho iyagoo iskaga kala goosha qaaradaha aduunka waxaana sababa Guuritaankooda Isbedelka cimilada .

Buurta Rabshigu Dhir iyo doog midkoodna malaha balse waa Dhagax nabaad Guurey oo amlis ah ,waxaanay Oogada Badda ka sareysaa 320m dharerkeeduna wuxuu gaadheya 3km ,Ballaceeduna waa 160m .

wakhtiyadii hore Buurtani waxay ahayd il dhaqaale oo si weyn dadka deegaanku ugu tiirsan yihiin maadama oo dadka ajaanibka ah ay usoo raadsan jireen saalada shimbiraha oo ay u adeegsan jireen inay ku bacrimiyaan Beeraha.