Japan, Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolatus difaac ah oo difaaca gantaalaha badda si ay uga hortagaan “hanjabaadaha nukliyeerka iyo gantaalada” ee Kuuriyada Waqooyi, maalmo kadib markii Pyongyang ay ridday gantaalka isaga kala goosha qaaradda (ICBM).
Dhoolatuskan ayaa waxaa laga sameeyay biyaha caalamiga ah ee u dhaxeeya Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, waxaana la isugu keenay bur-buriyeyaasha ku qalabeysan nidaamka radar-ka ee saddexda dal, sida ay sheegeen ciidamada badda ee Kuuriyada Koonfureed. Sarkaal ka tirsan ciidamada badda ayaa sheegay in leyliga uu diiradda saarayay ku celcelinta hababka lagu ogaanayo loogana daba socdo bartilmaameedka ballistic-ka ee kombuyuutarka iyo wadaaga macluumaadka la xiriira. Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday gantaalkeedii ugu dambeeyay ee Hwasong-18, kaas oo Pyongyang ay ku tilmaantay udub dhexaadka cududdeeda Nukliyeerka ah, meel ka baxsan xeebteeda bari Arbacadii, taasoo ay ku sheegtay "digniin la taaban karo oo xooggan" oo ay u jeedinayso cadawgeeda. Dibad-baxan ayaa daba socday cabashooyin kulul oo ka imaanayay Kuuriyada Waqooyi maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo lagu eedeeyay diyaaradaha Mareykanka inay dulmarayaan aagga dhaqaalaha gaarka ah ee ay leeyihiin, iyagoo cambaareeyay booqashadii dhawaan uu ku tagay Kuuriyada Koonfureed ee gantaallada quwadda Nukliyeerka ah ee Mareykanka, waxayna ballan-qaadday inay qaadi doonto tillaabooyin falcelin ah.